Monday, June 23, 2025

Nin 21 sano jir Caddaan ah oo in badan 20 Qof ku laayey xarun Ganacsi, Dalka Mareykanka [Sawirro]

Nin ka mida caddaanka xagjirka ah ee Cunsuriga Mareykanka ayaa toogasho ku laayey dad ka badan 20 qof, kadib markii uu rasaas ku furay xarun ganacsi oo ku taalla Gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Falkan oo ka dhacay xarunta loo dukaameysi tago ee shirkadda Walmart, kuna taalla magaalada El Paso ee gobolka Texas, dalka Maraykanka, waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 qof, waxaana ku dhaawacmay 26 qof oo kale, kadib weerarka uu qaday nin 21 sano jir ah oo lagu magacaabo Patrick Crusius, kaasoo war uu hore ugu qoray baraha bulshada ku sheegay inuu ka horjeedo dadka Hispanic-ga loo yaqaan oo qabsaday degaankiisa.

Ninka ayaa la xiray kadib markii uu booliska goobtaasi ku sugnaa isu soo dhiibay, waxaana falkan uu noqday kii ugu dhiigga badnaa ee ka dhaca dalka Mareykanka sanadkan 2019-ka. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo arrintan ka hadlay ayaa ku tilmaamay mid aad u fool xun, wuxuuna tacsi u diray dadkii waxyeelada soo gaartay, balse sida caadadda u ah ma cambaareyn caddaanka xagjirka ah ee isaga taageera.

.
Panicked shoppers flee the Cielo Vista Mall in El Paso on Saturday after a gunman opened fire inside a nearby Walmart
Local reports indicate that at least 20 people were killed in the shooting in El Paso on Saturday
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON