Thursday, June 26, 2025

Nin 25 sano jir ah oo Muqdisho ugu geeriyooday Sharad uu la dhigtay saaxiibadiis

Nin dhalinyaro ah oo reer Muqdisho ah, da’diisuna lagu sheegay 25 sano jir ayaa maanta ku geeriyooday Warta Siigaale ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Wartan oo ah goob ay biyo fariistaan markii roobab ka da’aan magaalada Muqdisho ayaa ninkan ku geeriyooday uu sababsaday fulinta sharad uu la galay koox dhalinyaro ah, kaasoo ku saabsanaa inuu ku dabaalan karo wartaasi.

Wiilka ku geeriyooday galabta Warta ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Cadde, waxaana dhalinyaradii ay sharadka wada galeen oo uga baxay ay goobta ka baxsadeen markii  uu isagu tiimbaday oo wartii ay liqday.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Axmed Cadde uu Duhurtii galay Warta, ayna suutagal noqon weyday in la soo bixiyo dhowr saacadood.

Waxa goobta tegay Ciidanka dowladda Soomaaliya oo  dadweyne fara badan oo goobta isugu soo baxay kala kaxeeyay, waxaana markii danbe meydkiisa laga soo bixiyay ninkii ku geeriyooday.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON