Faahfaahin ayaa ka soo baxeysa nin xalay fiidnimadii lagu qabtay Magaalada Muqdisho isagoo xiran dharka dumarka iyo indha-shareer, kuna hubeysan Bistoolad oo la sheegay inuu ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Ninkan ayaa la sheegay in lagu soo qabtay hawlgal ay laamaha ammaanka ka sameeyeen Magaalada Muqdisho, waxaana ku socota baaris la sheegay in xaaladda ninkan lagu hubinayo.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somaliya C/kaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in ninkani uu xirnaa Dhar dumar oo waawayn, sidoo kalana uu bistoolad ku hubeysnaa.
Afhayeenka wuxuu sheegay in arrinta ninkan ay gacanta ku hayaan hay’adaha ammaanka. “Hadda gacanta laamaha ammaanka ayuu ku jiraa, waxaan u soo bandhigi doonnaa Warbaahinta. dadkan la soo qab qabanaayo waa dad tuhuno laga qabo.”
Dilalka qorsheysan ayaa magaalada Muqdisho ku sii kordhaya maalmihii ugu danbeeyay iyadoo saraakiil ammaan iyo dad kala duwan oo ajaaniib ku jiraan oo lagu dilay toddobaadkii la soo dhaafay.
Goobjooge.com