Monday, June 23, 2025

Nin Bistoolad ku hubeysan oo lagu qabtay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Nin ku hubeysnaa Bistoolad xalay lagu qabtay degmada Waaberi, kadib markii ay ciidamo Boolis ah ku baxeen.

Ninkan ayaa ka mid ahaa saddex Burcad ah oo dadweynaha xaafadda Hantiwadaag ee degmada Waaberi si joogto ah uga dhici jiray telefoonada gacanta, waxaana saddexda nin oo watay laba bistoolad ay isku dayeen inay dhacaan qod ka mida dadka degan xaafadaasi.

Qofka ku sigtay in la dhaco ayaa ahaa wiil uu dhalay sarkaal ka tirsan NISA , iyadoo uu markaas ku soo baxay askari ilaalo i ah sarkaalka oo rasaas kiu riday dalbeyda, waxaana dhex martay labada dhinac is rasaaseyn, keentay inay goobta tagaan ciidamada booliska degmada oo u suuaragashay inay gacanta ku dhigaan mid ka mida dableyda oo ku hubeysaa bistoolad.

Ad

Ninkan ayaa lagu xiray saldhigga Booliska degmada Waaberi halkaasi, waxaana halkaasi isugu yimid dadweyne fara badan oo qaarkood laga soo dhacay telefoonadooda gacanta, kuwaasi oo la diiwaangeliyay si loogu baadi goobo telefoonadooda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON