Monday, July 14, 2025

Nin Dhalinyaro ah oo loo doortay Guddoomiye xigeenka Baarlamanka Somaliland [Akhriso]

Golaha wakiillada Somaliland ayaa goor dhoweyd doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

Magaalada Hargeysa, fadhigii golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad weyn ah ugu doortay xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha, iyadoo laba xildhibaan oo kale kula tartameen jagadaasi.

Fadhiga oo uu gudoominaayay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, waxaa fadhiyay 71 xildhibaan, iyadoo Axmed-yaasiin sheekh Cali Ayaanle, ay doorteen 50 xildhibaan, halka xildhibaan Xasan Muuse Hufane oo la tartamay uu helay 16 cod, xildhibaan Axmed Cabdi Kaahina isna uu helay hal cod oo keliya.

Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha
Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha Wakiilada Somaliland

Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee maanta la doortay waa nin dhallinyaro ah oo laga soo doortay gobolka Awdal, wuxuuna ka tirsan yahayxisbiga Kulmiye. Waa markii ugu horeysay ee xil heerkaas gaarsiisan uu ku soo baxo qof dhalinyarro ah.

Jagadan gudoomiye ku-xigeenka 1aad ayaa banaanaatay kadib markii Baashe Maxamed Faarax oo ahaa gudoomiye xigeenka 1aad ee golaha wakiillada muddo dheer loo doortay gudoomiyaha golahaasi 6-dii bishan 2017.

Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha wakiillada ee la doortay Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa khudbad kooban oo uu jeediyay wuxuu sheegay inuu ku hogaaminaayo 82 xubnood ee golahaasi caddalad, dhexdhexaadnimo iyo wadatashi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON