Ciidamada amniga Koonfur Galbeed ayaa caawa gacanta ku dhigay nin ku hubeysnaa Toorey oo askari ka tirsanaa ciidanka dowladda ku dilay xaafada Bardaale ee magaalada Baydhabo.
Dilkan ayaa yimid kadib markii ninka dilka fuliyey uu Toorey dhuunta ka geliyey askariga oo meel fadhiyay, markaasi kadibna uu ka dafay qorigii uu watay askariga, wuxuuna ku dhuftay Lix xabadood, taasi oo sababtay in askariga uu isla goobta ku geeriyoodo.
Ciidamada ammaanka oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta uu dilka ka dhacay ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan ninkan iyo qorigii uu askariga ka dishay.
Ma cadda ilaa hadda cida uu ka tirsan yahay ninka falkan geystay, balse wuxuu ku soo aaday xilli magaalada Baydhabo iyo hareeraheeda ay soo dhoobteen amniyaadka Al Shabaab.
Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in ninkan dhawaan uu ka yimid magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kana tirsan yahay kooxaha nabad-diidka ah ee Al Shabaab.