Monday, July 7, 2025

Nin hubeysan oo dad ku dilay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya Nin dabley ah uu rasaas ooda uga qaaday suuq ah oo ku yaalla Magaalada Beledweyne.

Rasaasta uu furay ninka hubeysan ayaa la sheegay inay ku dhinteen laba qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida uu xaqiijiyay taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Beledweyne Cali Dhuux Mahad-Alla.

Ninka weerarka geystay ayaa wararku sheegayaan inuu falkan u geystay arrimo la xiriira aano qabiil oo ka dhaxeysay laba beelood oo hore dad isaga dilay gobolka Hiiraan.

Ciidamada booliska ayaa tegay goobta dilku ka dhacay, iyadoo ninkii falka geystay uu baxsaday, waxaana socda baaritaano ninkaasi oo la aqoonsaday.

Goobjoogecom

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON