Weerar ka dhacay magaalada Toronto ayaa lagu dilay qof haweeney dhalinyaro ah, waxaana lagu dhawacay 13 kale markii rasaas lagu furay dad ku sugnaa xarunta isgoyska Danforth ee magaaladaasi.
Ninka weerarka qaaday ayaa iska ku dhintay rasaas ay is weydaarsadeen ciidamada boolisak, waxaana xaalad halis ah ku jira qof kale oo ka mida dadkii ku dhaawacmay weerarka oo xilliga dalkaasi xalay xilli dambe ka dhacday agagaarka Danforth iyo Logan habeennimada Axadda.
Qaar ka mid ah dadkii dhaawaca ahaa ayaa lagu daweeyay isla goobtii, halka kuwo kalana loola cararay isbitaallo ka ag dhaw, ma cadda ujeedada laga lahaa toogashadaas.
Ninka weerarka geystay ayaan Booliska wax faahfaahin ah ka bixin, waxayna muuqaalada ay duubeen kaamerooyinka muujiyeen nin heer dhexaad ah oo xiran dhar madow, kaasoo rasaas la beegsanaya dad ku sugnaa hareeraha wadadda Danforth Avenue.