Monday, June 23, 2025

Nin ka tirsan Alshabaab oo ciidamo Boolis ku laayay Gudaha dalka Kenya

Ugu yaraan lix askari oo booliis ah oo uu ka mid yahay taliye saldhig ayaa ku dhintay weerar ay Alshabaab ka gaysatay waqooyiga galbeed ee dalka Kenya.

Qofka ugu wayn ee looga shakisan yahay weerarka ayaa ka baxsaday saldhig booliis oo ku yaala Kapenguria. Waa weerarkii koowaad ee la sheegay in Al-shabaab ay ka gaysteen gobolka galbeedka, arrintan oo muujineysa inay Alshabaab ku sii fideyso gudaha Kenya.

Ninka laga shakisan yahay ayaa magaciisa lagu sheegay Mwalimu Omari, waxaana la xiray labo maalmood ka hor isaga oo looga shakiyay in uu dhallinyaro qorayay oo uu barayay sida hubka loo isticmaalo.

Xilli habeen ah ayay u suurtagashay inuu qori ka xoogo askari booliis ah isaga oo qaar ka mid ah laayay una baxay banaanka. Booliisku waxay sheegeen in uu galay meesha sare ee waardigu fariisto uuna halkaas xabbado badan ka soo riday askar kalana laayay. Ninkan ayaa markii dambe la dilay.

BBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON