Saxaafadda Kenya ayaa shaacisay in nin Kenyaan ah uu ka mid ahaa is-miidaamiyeyaashii isku qarxiyay xerada Ciidamada Kenya ee degaanka Kulbiyow.
Ninkan ayaa la sheegay inuu waday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka mid ahaa saddex gaari oo lagu weeraray xerada Kulbiyow ee ciidamada Kenya, halkaasoo lagu dilay ciidamo fara badan oo dowladda Kenya aysan weli shaacin tiradooda, laakiin lagu qiyaasay 67 askari oo Kenyaan ah.
Baaritaan ay sameeyeen ciidamada difaaca Kenya iyo wakaalado kale ayaa lagu xaqiijiyay in Anwar Yogan Mwok uu ku dhintay qarxii is-miidaaminta ahaa ee uu la beegsaday xerada Kulbiyow 27 Janaayo 2017. Xerada oo ay ku sugnaayeen ciidamo Kenyaan iyo kuwa Soomaali ah ayaa qasaare lixaad leh ka dhacay. (Akhri warbixinta weerarkii Kulbiyow)

Ninkan is qarxiyay laba kale oo Kenyaan ah oo lagu magacaabo Ramadhan Kungwa iyo Erick Achayo Ogada ay ku bireen Shabaab iyadoo Booliska Kenya u raadinayo falal argagixiso oo ay geysteen, waxaana madaxooda la saaray lacag dhan 2 million shilinka Kenya ah.
Ninkan ayaa la sheegay inuu ku dhashay degaan goboleedka Siaya sanadkii 1981. Wuxuu markii hore ahaa Kirishtaan wuxuuse qaatay diinta islaamka, isagoo ku biiray ururka Alshabaab sanadkii 2013.