Nin ku caan baxay inuu dadka ka dhaco Mobile-da isagoo adeegsanaya Qori macmal ah ayaa ugu danbeyn gacanta lagud dhigay magaalada Muqdisho.
Ninkan oo dhibaato weyn ku hayay dadka ku nool degmada Kaaraan, ayaa waxaa soo bandhigay Maamulka Degmada Kaaraan, kadib markii howlgal ka dhacay degmada xalay lagu soo qabtay.
Guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa shaaciyay muuqaalka ninkan oo ku hubeysan qori been abuur ah oo ka sameysan alwaax iyo biro, waxaana ninkan la sheegay inuu xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ay dadweynaha qaati ka taagnaayeen.
“Ciidamada ammaanka ayaa xalay gacanta kusoo dhigay Tuugii Ugu weynaa ee Shacabka Mobile-lada Ka dhici Jiray Isaga Iyo Qoray Beenaadkii Ka sameysnaa Alwaax Iyo biro La Isku Kabkabay Loona ekeysiiyey Qori..” sidaas laga soo xigtay Gudoomiyaha Degmada Kaaran Abdulfatah Nuur Cali.