Tuesday, June 24, 2025

Nin la dhashay madaxweyne Obama oo sheegay inuu u codeynaayo Donald Trump [SAWIRRO]

Nin la dhashay Madaxweyne Brack Hussein Obama oo ay walaalo isku hooyo ah yihiin ayaa sheegay inuu u codeynayo isla markaana

madaxweyne u dooranayo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump.

Malik Obama ayaa u sheegay jariirada New York Post inuu doonayo Mareykanka inuu mar labaad noqdo dal xoog leh, sidaas darteedna uu door bidayo inuu Donald Trump madaxweyne ka noqdo Mareykanka.

“Waxaan la dhacsanahay Donald Trump, maxaa yeelay wuxuu ka hadlaa qalbigiisa, in Mareykanka labaad laga dhigo dal weyn waa oraah qiimo leh, waxaanan jeclahay inaan la kulmo..” ayuu yiri Obama walaalkii Malik Obama oo wareysigan  bixiyay isagoo ku sugan tuulada Kogelo ee dalka Kenya.

Obama iyo walaalkiiObama walaalkii wuxuu eedeeyay xisbiga Dimoqraadiga oo uu sheegay inuu aad uga xumaaday qaabka uu Mareykanka u hogaamiyay walaalkii, wuxuuna sheegay inuu hadda u wareegtay taageerada xisbiga Jamhuuriga.

Malik Obama oo ah caruurta reer Obama ninka ugu weyn wuxuu qorsheynayaa inuu dib ugu laabto Mareykanka bisha November si uu ugu codeeyo musharaxa Jamhuuriya Donald Trump. Wuxuu muddo badan ka shaqeeyay gobolka Maryland, isagoo ahaa xisaabiye, wuxuuna ka diiwaan gashan yahay gobolkaasi oo uu codkiisa ka dhiibto sida ay muujinayo diiwaanka dowladda Mareykanka.

Aabaha dhalay madaxweynaha Mareykanka wuxuu sanadkii 1959 ka tegay dalka Kenya isagoo tegay Mareykanka xilligaas oo xaaskiisa ay heysatay Malik Obama oo sanad jir ah, isla markaana ay lahayd uurka Auma. Oday Obama wuxuu galay jaamacadda Hawaii, halkaasoo u kula kulmay Barack Obama-ha madaxweynaha ka noqday Mareykanka hooyadii Stanley Ann Dunham, kuna guursaday.

Malik Obama lama kulmi walaalkiis ka yar ee Mareykanka ku dhashay ilaa laga soo gaaro sanadkii 1985-kii, waana qoys ka kooban 7 caruur oo kala hooyo iyo kala dhaqan iyo koriinsho ah.

New York Post

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON