Monday, July 14, 2025

Nin la dhashay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo lagu dilay Hotel Ambassador

Waxaa weli soo shaac baxaya qasaaraha uu dhaliyay weerarkii galabta lagu qaaday Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho oo lagu dilay dad fara badan, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Ka sokow laba xildhibaan oo ka mid ahaa kuwa ugu caansan xildhibaanada dalka waxaa kaloo hotelka lagu dilay nin la dhashay xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo lagu magacaabo C/lxamiid Sheekh Cabdulqaadir.

Ninkan ayaa ka mid noqday dadka meydkooda laga helay hotelka dhexdiisa oo ay ku dileen dableyda Alshabaab ee Hotelka gudaha u a gashay.

Wararkii ugu danbeeyay ee weerarka ayaa sheegaya in weli laba dabley Alshabaab ah ay ku jiraan hotelka oo la maqlayo rasaas iyo qaraxyo, waxaana xaaladda sii cusleeyay korontadii oo aaggaasi lag jaray.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON