Saturday, July 5, 2025

Nin Madow ah oo ku guuleystay Kursiga Senet-ka Gobolka Georgia (Dimoqraadiga oo ku dhow Aqbaliyad..)

Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa qarka u saaran inuu noqdo Aqlabiyad Aqalka Senet-ka ee Mareykanka, iyadoo mid ka mida labada musharixiin xisbiga uu ku guuleystay Doorashad ku celiska ahayd ee shalay dhacday.

Raphael Warnock oo ah musharax ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, ahna nin madow oo hore u ahaa Baadri ayaa ku guulaystay kursiga Aqalka Senate-ka ee Gobolka Georgia, wuxuuna ka adkaaday haweeneyda Kelly Loeffler oo ka tirsan Jamhuuriga oo dooneysay in dib loo door to.

Dhinaca kale kursiga labaad ee Gobolka Georgia ayaa rajo laga qabaa inuu kusoo baxo musharaxa Dimoqraadiga Jin Ossof oo tartan adag kula jira musharaxa Jamhuuriga David Purdue, iyadoo uu ilaa hadda 16,000 oo cod ku horreeya Ossoff.

Guusha musharaxa Dimoqraadiga ee Ossoff ayaa ka dhigan inay Xisbiga Dimoqraadiga ay helayaan 50 ka mida senatoorada Aqalka Senet-ka ee ka kooban 100-ka kursi, waxaana markaas imaan doona codka Madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris oo lagu kala saari doono.

Xisbiga Dimoqraadiga ayaa hannd doonai ah Aqlabiyadda Aqalka Senate-ka; inkastoo go’aanadda waaweyn loo baahnaan doono 60% tirada Aqalka Senet-ka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON