Tuesday, June 24, 2025

DAAWO FIRCOON CUSUB: Nin Masaari ah oo rasaastu karin jirkiisa, lehna awood yaab leh

Nin u dhashay dalka Masar oo ka soo jeeda Gobolka Asyuut ayaa noqday qofka loogu hadal heynta badan yahay dalka Masar iyo baraha bulshada ku xiriirto oo dhan, waxaana la sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Kariim CabdilFadli, da’diisuna gaareyso 38 jir, kana soo jeeda qabiilka Halaayil uu yahay shaqsi awood aan caadi ahayn leh.

Ninkan ayaa awood u leh inuu ilkiisa ku jiido baabuurta xamuulka ah ee waaweyn, wuxuu calalin karaa sakiimaha iyo biraha adag, ma hurdo ilaa yaraantiisii, isla markaana wuxuu u adkeysan karaa waxyaabo dadka ka awood badan, kaaga sii darane waxay awoodiisu u dhigantaa 360 Faras iyadoo la sheegay inaysan rasaastu jirkiisa geli karin..!.

Kariim Cabdifadli wuxuu ka yaabiyay dadka gobolkiisa iyo caalamka markii uu soo bandhigay awoodiisa xad dhaafka ah, ninkan ayaa markii uu awoodiisa la yaabay u tegay dhaqtar, kuwaasoo u sheegay markii ay baaritaan ku sameeyeen inuu leeyahay:

  1. Laba Wadne
  2. Laba Beer
  3. Afar Kelliyood
  4. Dhuuxiisuna u sameysan yahay qaab si adag isugu dhex jira.
  5. Maqaarkiisna yahay mid adag oo aanay rasaastu karin.

Kariin oo lagu naaneyso FIRCOON ayaa sheegay inuu awoodiisa badan ogaaday markii uu 18 sano jir ahaa, isagoo aan hurdi karin, isla markaana aanu dareemeynin daal iyo caajis midna, mar ayuu isku dayay inuu mindi isku dhufto wax dhaawac ahna ma gaarsiin, wuxuu mar kale Cirbad weyn iska geliyay qoorta balse wax dhiig ah kama imaan.

Dad badan oo faallooyin ka bixiyay xaalada ninkan iyo awooddiisa ayaa ku dooday inuu yahay mucjiso la yaab leh, halka qaar kale ay aaminsan yihiin inuu sixiroole yahay.

DAAWO SAWIRRO

Nin Masaari ah oo rasaastu karin jirkiisa, lehna awood yaab leh

karim04

karim05

Nin Masaari ah oo rasaastu karin jirkiisa, lehna awood yaab leh

Nin Masaari ah oo rasaastu karin jirkiisa, lehna awood yaab leh

Nin Masaari ah oo rasaastu karin jirkiisa, lehna awood yaab leh

karim09

HOOS KA DAAWO VIDEO-GA

XULSAHADA GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON