Friday, June 27, 2025

Nin qarax is-miidaamin ah qorsheynayay oo iskiis ugu qarxay magaalada Muqdisho

Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in nin ka tirsan ururka Al-shabaab oo isku soo xiray waxyaabaha Qarxa uu iskiis ugu dhex qarxay Guri ku yaala Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu isku diyaarinayay.

qarax

Guriga qaraxu ka dhacay ayaa waxaa tegay  Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda   C/raxmaan Maxamed Tuuryare iyo Afhayeenka Wasaarada Amniga Maxamed Yuusuf Cismaan, waxayna ciidamada ammaanka baaritaan ka bilaabeen halkaasi.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo saxaafadda kula hadlay Guriga qarxa ka dhacay ayaa sheegay inaysan jirin khasaaro ka badan ninka dhintay.

Waxaa la xiray  xaaska ninka qarxay sida uu sheegay  Afhayeenka, waxaa kaloo xabsiga loo taxaabay Milkilihii Guriga  iyo nin kale oo la sheegay inuu doonayay inuu Mooto Bajaaj uu ku qaado si uu magaalada u geeyo goobtii uu doonayay inuu isku qarxiyo.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON