Wiil Qaxooti Soo-galooti ku ahaa dalka Faransiiska oo kasoo jeeda dalka Maali ayaa noqday halyey muteystay in la siiyo dhalashada Faransiiskana iyo shahaado sharaf sare, kadib markii uu badbaadiyay ilmo yar oo ka laadlaaday Dabaqa afraad ee dhisme ku yaalla magaalada Paris.
Muuqaal laga duubay sidii cajiibka ahayd ee Mamoudou Gassama u badbaadiyay ilmahaasi yar ayaa qabsaday baraha bulshada iyadoo kumanaan jeer la isku diray, oo si weyn loogu bogaadiyey tallaabada geesinimo ee uu qaaday wiilkan Afrikaanka ah.
Wax ka yar hal daqiiqo ayuu wiilkan balakoonnada dabaqa isaga kala gudbay qabtayna ilmaha yar ee afar jirka ah. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku qaabilay Aqalka Faransiiska looga taliyo ee Elysee Palace wuxuuna u hibeeyay shahaado iyo dhalashada dalka.

Duqa magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa ammaantay halyaynimada uu sameeyay wiilka 22 jirka ah waxayna sheegtay in ay wacday si ay ugu mahadceliso. Muuqaalkan oo Facebook la soo galiyay ayaa laga duubay dhacdadan sida cajiibka ah u dhacay.
HOOS KA DAAWO
“Wuxuu ii sheegay in uu bilo ka hor ka yimid Mali uuna ku riyoonayo in uu nolol ka samaysto halkan”
“Waxaan ugu jawaabay geesinimada aad muujisay ayaa tusaale u ah reer Paris oo dhan, wayna caddahay in magaalada Paris ay kugu taageeri doonto dadaalka aad Faransiiska ku dagayso”.
Arrintan ayaa Sabtidii ka dhacday waddo ku taalla waqooyiga magaalada.
Hooyada ilmahan yar ayaa la sheegay in ay ka maqnayd magaalada Paris, booliiska ayaana su’aalo waydiinaya aabaha oo loo malaynayo in uu dayacaad sameeyay. Gassama ayaa saxafiyiinta u sheegay in isaga oo iska socda uu ku soo baxay dad hor tuban dhisme.