Nin asalkiisu kasoo jeedo Soomaaliya ayaa loo doortay Duqa magaalada Sheffield ee dalka Britain, dhacdo taariikhda gashay toddobaadkan.
Ninkan oo ah wiil dhalinyaro ah ayaa lagu magacaabaa Majid Majid, waana 28 sano jir, wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, waxaana magaaladaasi Sheffield ay qoyskiisa ku tageen qaxootinimo, isagoo 5 sano jir ah, kadib markii ay tageen xero qaxooti oo ku taala Ethiopia.
Maajid aya maanta loo dhaariyay xilkiisa cusub ee duqa magaalada Sheffield, isagoo noqonaya duqii ugu da’da yaraa ee xisbiga Green Party oo magaalo loo doorto inuu hoggaamiyon.
Sidoo kale, Kaltum Osman (Kaltuum Baande) oo iyaduna ah gabar Soomaaliyeed, ayaa noqotay gabadhii ugu horeysay ee ku guuleysatay xubin xildhibaanda golaha deegaanka ee magaalada Sheffield.