Monday, June 23, 2025

Nin Suuriyaan ah oo isku qarxiyay dalka Jarmalka [DAAWO SAWIRRO]

Nin 27 sano jir Suuriyaan ah  oo ka mida qaxootiga galay dalka Jarmalka ayaa isku qarxiyay

afaafka hore ee goob uu ka socday bandhig muusig koonfurta dalka Jarmalka.

Ninkan weerarka qaaday ayaa isku dayay inuu galo xaflada oo dad badani ku sugnaayeen, laakiin waa loo diiday taasoo keentay inuu albaabka xaruntaasi isku qarxiyo, waxaana halkaasi ku dhintay isagii, iyadoo ay ku dhawaacmeen 12 qof oo kale.

Booliska ayaa markii hore u qaatay inuu qaraxa ka dhashay gaas, basle markii danbe ayay caddeeyeen inuu ninka Suuriyaanka ah qaraxa sameeyay. Ciidamo badan ayaa xiray goobta, waxaana la geeyay ciidamo fara badan iyadoo laga daadgureeyay in ka badan 2000 oo qof oo bandhigaasi joogay.

Ninkan weerrarkan gaystay ayuu Jarmalku sanad ka hor u diiday magangalyo hasayeeshee waxaa ay siiyeen ogolaansho uu si kumeel gaar ah dalka ugu sii joogi karo. Weerarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee gobolka Bavaria, Jarmalka ka dhaca muddo toddobaad ah.

Saacado ka hor ayay ahayd markii Boolisku qabteen nin  kale oo Suuriyaan ah oo weerar loo adeegsaday faash ama baangad lagu dilay haweenay laba qof oo kalana lagu dhaawacay ka geystay magaaladakoonfureed ee Reutlingen.

SAWIRRO

Germany

Germany1

Germany2

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON