Nin Toorey ku hubeysan ayaa weerar ku qaaday shacab ah ku sugnaa bartamaha magaaladda Turku ee galbeedka dalka Finland.
Haweeney ayaa ku dhimatay weerarka, iyadoo 5 kalana dhaawac kasoo gaaray weerarkan. Booliska ayaa markii dambe oogtay ninkii fuliyay weerarkaas, waxaana lasoo sheegayaa in gacanta lagu dhigay.
Ra’isul wasaaraha Finland Joha Sipuli ayaa tilmaamay iney ka xun yihiin falkan isagoo sheegay inay ka war sugayaan ciidamada booliska oo howlgalo wada. Sidoo kale, ciidamada booliska ayaa ugu baaqay dadka iney ka dheeraadaan bartamaha magaaladda oo ah halka uu ka dhacay weerarka maadaama howlgallo socdaan.