Tuesday, June 24, 2025

Nin Tunisiyan aha loo baadi goobayo Weerarkii Gaariga loo adeegsaday ee Jarmalka

Booliska dalka Jarmalka ayaa shaaciyay sawirka nin looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay weerarkii Magaalada Berlin ka dhacay ee lagu laayay dadka badan.

Booliska ayaa soo bandhigay sawirka nin Dokumentayadiisa laga helay Gaariga xamuulka ah ee lagu jiiray dad ku sugnaa suuq weyn oo wax lagu iibsado magaalada Berlin, waxaana magaciisa lagu sheegay ANIS AMRI oo ka soo jeeda dalka Tunisia.

Baadigoobka ninkan ayaa ka socda dalka Jarmalka iyo dalalka deriska la ah ee reer Yurub waxaana loo balan qaaday qofkii soo sheegaya goob uu ku sugan yahay in la siin doono lacag abaal marin ah oo gaareysa.

Booliska ayaa ninkan ku tilmaamay nin baxsad ah oo hubeysan, halisna ku ah dadka, iyadoo la dhaqaajiyay howlgallo baaxad leh oo lagu raadinayo. Weerarka uu ninkan qaaday ayaa waxaa ku dhintay 12 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 48 kale.

Booliska ayaa sheegay in ninkan loo diiday sharci uu ku joogo dalka Jarmalka, iyadoo la isku dayay in la dhoofiyo, waxaa hore loogu qabtay dokumentiyo been abuur ah isagoo doonayay inuu tago dalka Talyaaniga, waxaana lagu tuhmay inuu xiriir la leeyahay ururro islaami ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON