Tuesday, June 24, 2025

Nin xaaskiisa oo uur leh ku dilay tuulo u dhow Jowhar oo loo gacan gelinayo Booliska

Nin xalay dhacdo naxdin lah ka geystay tuulo u dhow magaalada Jowhar ayaa la sheegay in maanta ay eheladiisa ku wareejinayaan booliska magaalada Jowhar.

Falkan ayaa xalay ka dhacday Tuulada Tuugaarey ee duleedka degmada Jowhar, waxaabna Ninkan oo lagu Magacaabo C/llaahi Isaaq oo Beeraley uu rasaas ku furay xaaskiisa oo uur dhowr bilood ah lahayd, halkasoo ay ku geeriyootay.

Ehelada ninkan ayaa gcanta ku dhigay, waxayna la xiriireen maamulka degmada Jowhar oo ciidamo u diray saaka halkaasi si loogu soo wareejiyo saldhigga magaalada Jowhar.

Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya in ninka falkan geystay uu ka yimid Beer uu lahaa, kadibna xaaskiisa uu ka dalbaday inay biyo u keento, markii ay lasoo daahdayna uu rasaas ku furay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON