Monday, June 23, 2025

Ninka ugu taajirsan Dunida oo furaya Xaaskiisa & Kala bar Hantidiisa oo ay la wareegeyso

Ninka ugu taajirsan caalamka Jeff Bezos ayaa furaya xaaskiisam taasoo keeni doonta in hantidiisa kala bar ay qaadato xaaskiisa, kadib qoraal ay wadajir u faafiyeen oo ay ku sheegeen inay ku heshiiyeen furriin, kadib muddo xiriirkoodu xumaa.

Jeff Bezos oo ah asaasaha iyo madaxa shirkadda weyn ee internetka wax ku iibisa Amazon ayaa xaaskiisa MacKenzie  guursaday sanadkii 1993, waxayna isu dhalleen 3 wiil, iyagoo korsaday gabar kale, waxaana hadda si weyn loo hadal hayaa inuu guurkooda 25 sano jirka ahaa uu soo dhammaanayo.

“Ka dib wakhti dheer oo ay naga dhex jirtay isfaham darro, isla markaana aan marar badan isku daynay inaan kala tagno, waxaan hadda go’aansannay inaan is furno, nolosheennana aan sii wadanno annagoo saaxiibo ah”, ayey lamaanaha ku yiraahdeen bayaankooda wadajirka ahaa oo ay ku shaaciyeen furriinkooda.

Ad

Mr Bezos, oo 54 sano jir ah waa ninka koowaad ee ugu hantida badan dunida, waana maalqabeenka caalamka, isagoo hantiisa lagu qiyaasay 140 Bilyan dollar, laakiin waxaa kala bar oo ah 70 Bilyan oo dollar la wareegi doonta xaaskiisa marka uu furo, waxayna noqon doontaa haweeneyda ugu taajirsan dunida.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa soo tabisay in Mr Bezos uu xiriir khaas ah la sameeyay haweeney horay wariye uga ahaan jitay telefishinka Fox TV, taasoo lagu magacaabo Lauren Sánchez.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON