Booliska Ingiriiska ayaa shaaciyay magaca ninkii fuliyay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta Baarlamaanka ee Westminster.
Ninkan oo ku dhashay Ingiriiska ayaa lagu magacaabaa Khaalid Mascuud, wuxuuna deganaa magaalada Birmingham, halkaasoo ciidamada baaritaan xoog leh ka sameeyeen gurigii uu deganaa.
Saraakiisha denbi baarista ayaa sheegay in Khaalid uu hore u galay dembiyo isugu jira waxyeeleyn dad ayna isha ku hayeen falalkiisa xagjirnimo, laakiin aysan la ahayn inuu fal argagixiso damacsan yahay.
Khaalid waa 52 sano jir, waxaana toogasho lagu dilay kadib markii uu toorey la dhacay nin boolis ah, kaasoo u dhintay dhaawaca uu gaarsiiyay, wuxuu kaloo gaari jiirsiiyay dad fara badan isagoo dilay laba qof oo kale isla markaana dhaawacay 20 kale oo 7 ka mida ay xaaladooda liidato.
Wakaalado