Tuesday, June 24, 2025

Ninkii labaad ee isku Qarxiyey Hotelka Saxafi oo la shaaciyey Magaciisa & Beesha uu kasoo jeedo [Akhriso]

Kooxda Alshabaab ayaa shaaciyey ninka labaad ee isku qarxiyey Hotelka saxafi ee magaalada Muqdisho oo Jicmihii hore lagu qaaday weerarro is-miidaamin ah iyo saddex qarax oo is-xigay.

Ninka labaad ee is-miidaamiyaha ahaa ayaa lagu magacaabaa Mukhtaar Maxamed Ibraahim, loona yaqaanay Saalax Salagle, waa ninkan aya da’diisa lagu sheegay 47 sano jir, isagoo ahaa ninka ugu da’da weyn ee Alshabaab u soo dirtay weerarka Hotel Saxafi.

Saalax Salagle ayaa sanadkii 1969 ku dhashay degaanka Salagle ee Gobolka Jubbada Dhexe, wuxuuna sanadkii 2011 ayuu ku biiray Al-Shabaab. waxaana laga duubay dardaaraan intii aanu is-qarxin. Saalax Salagle ayaa kasoo jeeda Beesha Ogaadeen, gaar ahaan jufada Cowlyahan, sida ay faafisay Alshabaab

Muddooyinkii ug danbeeyay is-miidaamiyeyaasha loo soo diro Muqdisho ayaa ka soo jeeda gobollada Bay, Bakool iyo J/Dhexe. Weerarkii Hotel Saxafi waxaa lagu dilay 52 ruux, waxaana ku dhaawacmay 106 qof oo kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON