Sunday, June 22, 2025

Ninkii Muqdisho ku gubay Xaaskiisa oo Gacanta lagu soo dhigay (Sawirro)

Ciidamada Dowladda ayaa gacana kusoo dhigay eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ahaa ninkii Xaaskiisa oo Uur lahayd ku gubay caasimadda Muqdisho, kadina baxsaday.

Ciidamada dowladda ee Galmudug iyo kuwa degaanka ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Sayid Cali Macalin oo ku eedeysan Dilka Xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo maalmo kadib u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray Gubid.

Taliska Booliska ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud iyo laba eedeysane oo gacan ku siinayay in uu cadaalada ka baxsado, isla markaana ay howlgalka wadajir ua fuliyeen Booliska, NISA iyo Ciidamada Difaaca Shacabka ee Cadaado iyo Wisil.

Ad

Eedeysanaha oo Muqdisho ka baxsaday ayey ciidamada Dowladda kasoo qabteen degaanka Gabdaale oo hoos taga magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Waxaa lasoo bandhigay Muuqaaladiisa markii la qabtay, waxaana ka muuqda inuu ku dhaawacmay Dabka uu ku gubay xaaskiisii isagoo gacanta midig dhaawac weyn kasoo gaaray.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON