Thursday, June 26, 2025

Ninkii weeraray Garoonka Fort Lauderdale oo noqday Askari Mareykan ah [Warbixin]

Ninka geystay weerarkii ka dhacay garoonka Fort Lauderdale ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay inuu ahaa askari ka tirsanaa ciidamada Mareykanka, kana soo dagaalamay Ciraaq.

Booliska gobolka Florida ayaa su’aalo weydiiyey nin looga shakisanyahay inuu ahaa ninkii dableyda ahaa ee shanta qof ku dilay sideedda kalena ku dhaawacay madaarka Fort Lauderdale.

Eedaysanahan oo magaciisa lagu sheegay Esteban Santiago oo lix iyo labaatan jir ah, wuxuu ahaan jiray askari Mareykan ah oo ka soo dagaalamay Ciraaq. Saraakiishu waxay sheegeen in aanay meesha ka saarayn in waxa falkan ninka ku dhaliyey noqon karto argagixiso.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in ay suurto gal tahay in ninku aanu maskax ahaan fayoobayn. Wararku waxay intaa raaciyeen in uu sheegay in dowladdu maskaxda ka haysato oo ay ku dirqido inuu daawado video-yada ay internet-ka ku baahiyaan kooxaha jihaad doonka ah.

Warbaahinta Maraykanku ayaa sheegtay  in shaqadii uu ka hayay xerada ciidanka ee Alaska ee ilaalada Qaranka looga eryay in uu waajibaadkiisii ka soo bixi waayay. Hase yeeshee nin ay walaalo yihiin ayaa isna sheegay in Esteban Santiago muddoba laga dawaynayey cudurrada maskaxda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON