Wiil 19 sano jir ah oo xalay weerar Mindi loo adeegsaday ku qaaday xarunta Russel ee magaalada London ayaa noqday Soomaali heysta dhalashada dalka Norway.
Wiilkan ayaa dilay haweeney Mareykan ah oo da’deeda lagu sheegay 60 sano jir, wuxuuna dhaawacay 5 qof oo kale, waxaana Booliska ay sheegeen inaysan jirin wax calaamado ah uu muujinaya inuu wiilkan ku xiran yahay kooxo argagixiso.
Wiilkan asalkiisu Soomaaliga yahay ee qaaday weerarka London isagoo wata Mindi ayaa la sheegay inuusan caafimaadkiisu taam ahayn waxaana maskaxiyan uu yahay qof jirran sida uu sheegay ku xigeenka taliyaha Booliska Mark Rowley.
“Waxaan rumeysanahay in ahaa weerar aan qasad ahayn oo dadka si kala gaara loo weeraray, ilaa iyo hadda ma heyno wax caddeyn ah oo muujinaya inuu islaam xagjir ah yahay” ayuu yiri taliye ku xigeenka.
Wiilkan ayaan weli magaciisa iyo muuqaalkiisa la shaacin. Duqa London ayaa dadka ugu baaqay inay deganaadaan oo haddana ay feejignaadaan.
Goobjooge.com