Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay qasaaraha kasoo gaaray howlgalkii ay ku qaaday hotelka Ambassador ee ay weerareen dabley ka tirsan kooxda Alshabaab.
War ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in saddex askari ay uga geriyoodeen howlgalka Hotel Ambassador, askari ayaa hore ugu dhintay howlgalka, laakiin NISA ayaa goor dhoweyd shaacisay in laba askari oo dhaawac ahaa ay u dhinteen dhaawacyadii ka soo gaaray howgalka.
Ciidamada NISA qeybahooda Gorgor iyo Gaashaan ayaa si weyn loogu yaqaan howlgallada noocaasi ah, iyagoo hore u badbaadiyay mas’uuliyiin iyo dadweyne weeraro waaweyn ay ku qaadeen Alshabaab.
إنالله وإنا إليه راجعون، two other soldiers died with their injuries, they were heroes, our Hearts will be with them pic.twitter.com/RjozlRkfUN
— NISA (@HSNQ_NISA) June 2, 2016
Goobjooge.com