Waxaa dalal badan ay soo rogeen xayiraad dhinaca duulimaadyada ah, kadib markii nooc cusub oo cudurka CoronaVirus ah oo si degdeg ku fidaya uu ka dilaacay Koonfurta dalka Ingiriiska.
Nooca cusub ee Cudurka Covid-19 ayuu caddeeyay xoghayaha caafimaadka UK Matt Hancock inuu faraha ka baxay oo ay waxba ka qaban waayeen, wuxuuna u gudbay dalalka Denmark, Netherland iyo South Afrika.
Dalal badan ayaa joojiyay dhammaan duulimaadyadii tegayay ama ka imaanayey dalka Ingiriiska iyo saddexda dal ee kale oo uu gaarya nooca cusub ee cudurka Covid-19, waxaana sii kordhaya dalalka joojinaya inay duulimaadyo uga yimaadaan UK.
Talyaaniga ayaa xaqiijiyey in qof laga helay nooca cusub ee Cudurka Coronavirus, kaasoo ka yimid Ingiriiska, waxaana la joojiyay isu socodka Italy iyo UK. Turkiga ayaa ku dhawaaqay inuu si KMG ah u joojiyey duulimaadyada tegaya Ingiriiska.
Dalalka kale ee Yurub sida Belgium, France , Germany iyo dalal kale ayaa qaaday tallaabo ay ku hakinayan duulimaadyada ka imaanaya Ingiriiska, waxaana goor dhow dowladda Sacuudiga ay ku dhawaaqday inay joojisay duulimaadyada ka imaanaya UK.
Guud ahaan caalamka wuxuu cudurka Covid-19 ku dhacay 76 Milyan, halka ay u dhinteen 1.7 Milyan oo qof, waxaana ka bogsooday 43 Mliyan.
