Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun ku riday Nin Oday ah oo lagu eedeeyey in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, isagoo magaalada Muqdisho uga wakiil ahaa arrimaga caafimaadka iyo kireynta guryaha.
Axmed Cali Aybakar ayaa lagu soo eedeeyay inuu Alshabaab u qaabilsanaa inuu xubaha Alshabaab ka ka tirsan ee xanuunsan u kireeyo guryaha amagaalada Muqdisho, isla markaana uu geeyo xarumaha caafimaadka, wuxuuna ahaa ilaalin jiray inta ay dib ugu laabanayaan degaanada ay ka yimaadeen.
Oday Cali ayey Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamda qalabka sida ku xukuntay 10 sano oo xarig ah, waxayna Maxkamaddu ssheegtay in odayga ay ciidamada amniga xogtiisa heleen, kana soo qabteen mid ka mida Xarumaha Caafimaad ee magaalada Muqdisho, isagoo xilligaas lala qabtay Bukaan Alshabaab ah oo uu ku diiwaan geliyay in uu adeer u yahay.

Axmed Cali Aybakar ayaa ahaa shaqsi ku ii biya agagaarka Qabuuraha Barakaat agabka lagu aaso dadka, waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in saaxiibkiis ay ka wada shaqeyn jireen Waratada Dharka xilli hore uu ku qanciyay ku biirista Alshabaab, Axmed guryo ayuu u kireeyay Bukaanno ay u soo direen Alshabaab, waxa uu geeyay Xaruma Caafimaad oo ku kala yaal degmooyinka Hodan iyo Yaaqshiid, sida uu ka hor sheegay fadhiga Maxkamadda.
Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhagesiga kiiskan saacado ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in lagu xukumo 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.