Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in meydadka laba oday dhaqameed la soo dhgigay duleedka degmada Ceel-waaq.
Odayaasha meydadkooda laga helayo Ceelwaaq ayaa sheegaya in labada oday dhaqameed isla laga afduubtay magaalada, iyadoo dilkooda lagu eedeynayo inay ka danbeeyeen Alshabaab.
Dadka degaankaasi ayaa sheegay in odoyaashan xalay lagala baxay hoygooda lagala baxay iyagoo meydkooda laga helay iyadoo la soo dhigay bartamaha degmada Ceelwaaq.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Ceelwaaq ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku saabsan dilka odayaasha iyo ciddii ka dambeysay.
Maamulka degmada ayaa shegay in odayaasha la dilay ay kala ahaayeen: C/raxmaan Ugaas Cali iyo Adan Macalin Caliyow ayna dilkoodana ay danbeeyaan Alshabaab.
Goobjooge