Friday, July 11, 2025

Odayaal dhaqameed lagu dilay Degmada Caabudwaaq & Xiisad ka dhalatay oo taagan

Wararka laga helayo degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in  dad dhowr ah lagu laayay kadib markii ay rasaas ku fureen koox dabley ah.

Koox hubeysan ayaa galabta caawa weerar ka geysatay Guri ay shir ku lahaayeen beel ka mida kuwa dega degmada Caabudwaaq, waxayna halkaasi ku dileen laba Nabad-doon iyadoo dhaawacay 9 qof oo 5 ka mida ay rag yihiin 4 kalena haween.

Labada nabadoon ee la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Fanax Jaamac Ddooley iyo Maxamed Barre Diini, waxaana dadka dhaawacmay ku jira laba oday. Dilkan ayaa loo maleynayaa inuu salka ku hayo aano qabiil oo ka dhalatay sarkaal lagu dilay saldhiga booliska Caabudwaaq.

Dableyda falka geysatay  ayaa gaareysan 10 nin oo watay gaari NOAH ah ayaa goobta ka baxsatay, waxaana xaaladda magaalada ay caawa isu bedeshay mid kacsan kadib dhacdadaasi.

Degmada Caabudwaaq ayaa caawa ku jira xaalad bandow ah iyadoo aanu jirin wax isu socod ah, waxaana ka jira xaalad qasan iyadoo ay dadaal wadaan odayaasha degmadaasi si xiisad jirta loo qabooijyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON