Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay xireen xubno ka tirsan golaha guurtida iyo odayaasha dhaqanka gobolkaasi.
Odayaashan la xiray ayaa shalay si cad uga soo horjeestay qorshe ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ku wado dhismaha maamul cusub oo ka madax bannaan maamulka Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, iyagoo taageeray Axmed Madoobe.
Odayaashan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garbahaarey ayaa si adag u cambaareeyay waxa ay ugu yeereen “faragelin joogto ah” oo dowladda Federaalka ay ku hayso gobolka Gedo. Waxay sheegeen in qorshaha Villa Soomaaliya uu yahay mid lagu wiiqayo maamulka Jubbaland laguna abuuro maamul kale oo taageersan dowladda dhexe, iyagoo ku tilmaamay arrintaas “qorshe halis ku ah midnimada iyo xasilloonida gobolka.”
Wararka laga helayo maamulka gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in odayaashaasi ay xireen ciidamo ay sheegeen in ay ka mar qaataan dowladda Federaalka, inkastoo aysan jirin wax war ah ka soo baxay dowladda Federaalka oo sharaxaya sababta xarigga.
Sida ay sheegeen maamulka Gobolka Gedo Jubbaland, amarka xariga waxaa bixiyay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda dhexe, gaar ahaan Wasiirka Amniga C/llaahi Fartaag .