Wararka laga helayo magaalada Cadaaddo ayaa sheegaya in kulan ay maanta yeesheen Odayaasha Beesha Saleebaan ee magaalada Cadaaddo iyo Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug lagu kala tegay, iyadoo lagu guul darreystay in lagu qanciyo ka qeybgalka shirka 5-ta Ogost ka furmi doona magaalada Dhuusamareeb.
Odayaasha Cadaaddo ayaa qaadacay, isla markaana u caddeeyay Guddiga Dib u heshiisiinta inay tegeynin Magaalada Dhuusaamareeb, kana qeygeli doonin shirka Dib u heshiisiinta iyo kan dhismaha maamulka Galmudug ee dowladda Federaalka ka wado magaaladaasi.
Odayaasha Beeshan ayaa sheegay inay qabaan tabasho ka dhan ah maamulka Ahlu suna ee maamulka Magaalada Dhuusamareeb iyo ballamo ay sheegeen inuu uga baxay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, iyagoo ku adkeystay go’aankaasi.
Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug ee xukuummada Soomaaliya magacawday ayaa xilligan isu diyaarinaya inay ka tagaan magaalada Cadaaddo iyagoo ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo uu ku sugan yahay Ra’iisal wasaare Kheyre.