Waxaa magaalada Jowhar soo gaaray odayaasha dhaqanka beelaha gobolka Hiiraan, iyadoo magaaladaasi ay mar kale ku qulqulayaan odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo waxgarad ka kala socda goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo halkaasi u tegay dib u furista shirka Jowhar.
Odayaasha shirka maanta tegay waxaa lagu soo daadgureeyay saddex diyaaradood, waxaana hormuud u ahaa Ugaasyada gobolka Hiiraan ee dhowaan heshiiska la galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la socday odayaal dhaqameed ka soo jeeda Shabeelaha Dhexe oo Beledweyne ku sugnaa. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe ayaa soo dhoweyn heer sare ah u sameeyay odayaasha yimid Jowhar.
Odayaasha dhaqanka ee gaaray magaalada Jowhar waxaa ka mid ahaa:
- Imaam Maxamed Yuusuf Cali
- Ugaas Maxamud Ali Ugaas
- Ugaas C/raxman Ugaas Cabdllaahi
- Ugaas Cabdllaahi Ugaas Saalax
- Suldaan Maxamed Axmed Shido
- Wabar Maxamed Wabar Axmed
- Ugaas C/xakiin Ugaas Maxamed
- Ugaas C/naasir Ugaas Maxamed
- iyo Islow Cismaan Sheekh Xasan.
Dhinaca kale qabanqaabada dib u furista shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ka socota magaalada Jowhar oo uu ku sugan yahay wasiirka Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad iyo xubno ka socda wasaaradda arrimaha gudaha.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com