Monday, July 14, 2025

Odayaashii Hawiye iyo Digil/Mirifle oo la geeyay Aagga Dagaalka ee magaalada Laascaanood

Odayaashii Dhaqanka beelaha Hawiye iyo Digil/Mirifle ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo la geeyay Aagga dagaalka ee isku hor-fadhiyaan Ciidamada Degaanka iyo kuwa Somaliland.

Odayaashaan oo laga abaabulay magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan ku sugnaa magaalada Garoowe, iyagoo la kulmay odayaasha dhaqanka Puntland, waxayna maanta gaareen aagga dagaalka ee duleedka magaalada Laas-Caanood.

Waxay Odayaasha Dhaqanka wadahadal kula leeyihiin magaalada Laascaanood Isimada iyo odayaasha dhaqanka degaanada Sool, waxayna arki doonaan burburka gaaray magaalada Magaalada Laas-Caanood.

Socdaalka Odayaasha Hawiye iyo Digil/Mirifle ee Laascaanood ayaa kusoo beegmay iyadoo Somaliland ku dhawaaqday inay dagaal toos ku qaadeyso magaalada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON