Saturday, August 13, 2022

Ololaha socda ee Ansixinta Xukuumadda RW Xamza (Dhinacyada diidan iyo Rajada kaliya ee jirta)

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda dadaallo iska horjeeda oo ku saabsan ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xubnaha Golaha Wasiirada la magacaabay oo ku dhow 80 ayaa qaarkood bilaabeen inay taageero ka raadsadaan xildhibaannada beelahooda si ay marka codka kalsoonida loo qaadayo Barnaamijka xukuumadda ay u taageeraan.

Dadaalka Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaraaha wadaan iyo Ololaha Wasiirada qaarkood taageerada ugu raadinayaan ansixinta xukuumadda cusub waxaa barbar socda qorshe kale oo qaar ka mida xildhibanaanada iska waayey liiska xukuumadda ay ku doonayaan in kalsoonida loogu diido xukuumadda.

Ad

Xildhibaannnada shaaciyey inay ka horjeedaan Golaha Wasiirada cusub iyo qaabka loo dhisay inta aan la gaarin Barnaamijka Xukuumadda waxay u badan yihiin xildhibaannada kasoo jeeda K/Galbeed, waxaana wehliya taageerayaasha Farmaajo oo ujeedkoodu inay ku adkeeyaan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Warar soo baxay kadib dhismhii xukuumadda ayaa sheegaya in Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Sacdiya Yaasiin ay ka horjeedo dhismaha Golaha Wasiirada cusub, kadib markii beesheeda ay weysay Wasiir ay ku lahayd xukuumadii hore.

Dhinaca kale Madaxda Dowlad Goboleedyada K/Galbeed, Galmudug iyo Puntland ayaan ku faraxsaneyn xubnaha loo xulay Golaha Wasiirada cusub oo ay ka mid yihiin shaqsiyaad uu dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyay, waxaana suuragal ah inay si hoose xildhibaannada taageera u abaabulaan diidmada ansixinta xukuumadda cusub.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa xalay la kulmay Wasiirada magacaaban ee kasoo jeeda beeshiisa ee laga soo doorto K/Galbeed iyo Jubbaland, isagoo kala hadlay arrinta kalsooni siinta iyo ansixinta xukuumadda cusub.

Rajada in la ansixiyo xukuumadda Ra’iisal wasaare Barre ayaa ah in ku dhowaad 50 xubnood ay xildhibaanno yihiin, isla markaana wasiir kasta laga rabo inuu keeno laba ama ka badan xildhibaan oo taageersan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON