Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda maamulka K/Galbeed ayaa Muqdisho ka bilaabay olole lagu doonayo in xilka looga qaado madaxweynaha K/Galbeed.
Shir jaraa’id oo xildhibaanada Federaalka ay qaarkood ku qabteen Muqdisho ayaa Shariif Xasan ugu baaqay inuu xilka dego, iyagoo ku eedeeyay waxqabad la’aan iyo inuu muddo saddex sano ah maamulkaasi la degay.
Xildhibaanada kala ah C/fataax Geedey, Idiris Cabdi Dhaqtar iyo Aamino Cali Xasan ayaa ku dooday in dadka Maamulka Koonfur Galbeed ay heystaan abaarro, gaajo iyo dagaalo, iyadoo maamulka Shariif Xasan ka gaabiyay inuu wax u qabto dadkiisa.
Xildhibaan C/fataax Geesey ayaa ku eedeeyay Shariif Xasan inuu yahay daneyste keligiis la wareegay awoodii maamulka oo heshiiyo u gaara uu la galay shirkado sida DP World, kuna guuldarreystay inuu inuu magacaabo madaxweyne kuxigeenkii maamulkaasi.
Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar ayaa isna ugu baaqay Shariif Xasan inuu is casilo, mar haddii uu ku fashilmay xilkiisa.