Orodyahan Itoobiyaan ah oo ciyaaraha olombikada adduunka ee Rio 2016 ka muujiyay xaaladda ka taagan dalkiisa isagoo soo bandhigay diidmadiisa cadaadiska dowladda dalkaasi ku heyso dadka Oromada ah.
Orodyahankan oo lagu magacaabo Feyisa Lilesa ayaa markii uu khadka dhammaadka orodka ka gudbay Axadii muujiyay calaamad dadka Oromada ah leeyihiin oo ay uga horjeedaan dowladda ka talisa Itoobiya.
Feyisa Lilesa wuxuu ku guuleystay Bilad Qalin ah isagoo galay kaalinta labaad, wuxuuna shir jaraa’id oo tartanka kadib uu qabtay ku caddeeyay in haddii uu ku laabto Itoobiya ay naftiisa halis ku jirto.
Isagoo sharxayay falka uu ku dhaqaaqay Feyisa Lilesa wuxuu sheegay in dowladda Itoobiya ay dileyso dadka Oromada ah ayna boobeyso dhulkooda iyo kheyraadkooda, taasoo keentay in dadka Oromada ah ay gadood sameeyeen, isaguna uu taageerayo dadkiisa.
“Dowladda Itoobiya waxay leyneysaa dadkeyga, waxaan u istaagay inaan muujiyo sida aan u taageersanahay dadkeyga, qaraabeyda xabsiyada ayay ku jiraan, haddii ay ka hadleen xuquuqdooda dimoqraadiga ah waa la dilayaa… waxaan gacmaheyga sare ugu qaaday inaan dadkeyga taageero” ayuu yiri Feyisa Lilesa.
Sharciga ciyaaraha adduunka ayaa mamnuucaya in calaamado siyaasadeed la dhex keeno ciyaaraha, waxaana hore u dhacday in ciyaaryahanno arrimo siyasadeed ku kacay in laga xayuubiyay biladihii ay ku guuleysteen.
Goobjooge.com