Tuesday, June 24, 2025

Orodyahankii Oromada ee Feyisa Lelisa oo saacado gudahood ku helay 85,000 Doolar

Orodyahankii Oromada ee ka goosta dowladda Itoobiya Feyisa Lelisa oo saacado gudahood ku helay 85,000 Doolar.

Orodyahanka Oromada ee Feyisa Lelisa oo dhowaan markii uu ka qeyb galay tartankii Olombikada Adduunka ee Rio 2016 muujiyay inuu mucaarad ku yahay dowladda Itoobiya oo xasuuq ku heysta dadkiisa ayaa helay lacag deeq ah.

Feyisa Lelisa ayaa loo aqoonsaday Geesi u taagan dadkiisa, waxaana bilowday olole lacag loogu ururinayo khadka Internetka si loogu helo dal kale oo uu ku noolaadaan orodyahanka iyo qoyskiisa, isagoo sheegay haddii uu Itoobiya ku laabto inuu wajahay dil.

Dadka sameeyay web-ka tabarucaadda Feyisa ayaa ujeedkoodu ahaa inay helaan 10,000 Doolar, laakiin waqti kooban ayay helaan, waxaa loo bedelay 25,000 doolar laakiin kor ayay u dhaaftay, hadda oo laga dhigay 100-kun waxay mareysay markii qormadan aanu qornay 85,850 Doolar iyadoo ay sii kordhayaan dadka lacagta ugu deeqaya orodyahankan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON