Orodyahanadda Maryan Nuux Muuse oo ah orodyannadda qura ee Soomaaliya uga qeyb galeysa ciyaaraha Olombikada Adduunka ayaa lagu wadaa inay caawa safato kulankeedii ugu horeeyay.
Indhaha Soomaalida ayaa wada eegaya orodka is reebreebka ah ee caawa oo ay ka dhex muuqato gabadha qura ee Soomaaliya u meteleysa ciyaaraha, iyadoo uu wehliyo ciyaaryahanka kale ee Maxamud Daa’uud oo isna safan doona habeen danbe.
Ciyaaraha Olombikada adduunka ee ka socda magaalada Rio De Jenerio ee dalka Brazil ayaa galay marxaladihii orodada oo ah kuwa ugu xiisaha badan. Waxayna Maryan ku tartami doontaa orodka 400 mitir.
Rajada laga qabo in ciyaaryahanada Soomaalida ay guul ka soo hooyaan tartannada caalamiga ah ayaa ah mid hooseysa marka la eego xaaladda Soomaaliya.
Goobjooge.com