Monday, July 14, 2025

Pentagon-ka oo beeniyey in diyaarad Drone ah uga dhacday Somalia

Waaxdxa Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa beenisay sheegashada Al-Shabaab ee ah in diyaarad aan duuliye lahayn oo ay tuhunsan yihiin in Mareykanka uu lee yahay ay kusoo dhacday Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya.

Website-yada taageera kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in diyaarad drone ah oo sidday lix gantaal ay ku dhacday deegaanka Shandacar oo 70 km u jira degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Al-Shabaab waxa kale oo ay sheegeen in diyaaradda ay u qaateen goob ay ayaga maamulaan.

Email uu soo diray afhayeen u hadlay Pentagon-ka waxa uu sheegay in dhammaan diyaaradaha saldhigga Mareykanka ee AFRICOM la tiriyey, oo aysan jirin wax tilmaamaya in diyaaradda Al-Shabaab ay sheegeyso ay tahay mid Mareykanka uu leeyahay.

Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo magaciisa qariyey ayaa sheegay inay maqleen akhbaarta diyaaradda soo dhacday, balse aysan xaqiijin karin cidda iska leh.

Illaa iyo hadda ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab, hase yeeshee diyaardaaha dagalaka Mareykanka ayaa weeraro ka dhan ah madaxda Al-Shabaab ka fuliyey Koonfurta Soomaaliya, sanadihii dhowaa.

Source: VOA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON