Doorasho adag oo laba wareeg ah iyo codad yar oo lagu kala baxay, waxaa la doortay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo noqday Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Waxaa goor dhoweyd soo dhammaaday wareegii labaad ee doorashada kursiga Sadexaad, Senatoorada Aqalka sare ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland oo ka dhaceysa xarunta Afisyoone, ee magaalada Muqdisho.
Wareegga labaad oo lagu kala baxayey cod hal dheeri ah waxaa isugu soo haray musharixiinta kala ah: Prof. Maxamed Maxamuud Allabari iyo Prof. Cabdi Ismaacil Samatar, waxayna natiijadii noqotay sida soo socota:
Prof. Cabdi Ismaacil Samatar: wuxuu helay: 25 cod
Prof. Maxamed Maxamuud Allabari: wuxuu helay: 21 Cod
Waxa asi rasmi ah loogu dhwaaqay inuu Prof. cabdi Ismaaciil Samatar uu ku guuleystay Doorashada, isagoo noqday Senator ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kursigan ayaa ahaa kii ugu adkaa oo cadad yar lagu kala baxay, iyadoo laba wareeg oo doorasho loo galay.
