Guddoomiyihii Guddigii Anshaxa Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa baaq u diray Madaxweynaha cusub Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo dhinaca kale madax ka ah qeybta Joqraafiga, bii’ada, iyo arrimaha bulshada ee jaamacadda Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in Guddigoodu qaban waayay musuq iyo lacago lagu bixiyay doorashda.
Wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha la doortay ee Farmaajo inuu yeesho geesinimo uu ku qirto wixii dhacay iyo laaluushkii la bixiyay, dadkana cafis weydiisto, haddii kale ay jiraan wax la hoosaasinayo.
Isagoo ka hadlay barnaamij shalay ka baxay VOA-da ayuu ka digay in dowladda cusub lagu soo dhiso qabiil, isagoo sheegay in haddii ay fashilanto dowlada cusub in la wada fashilmi doono.
DHAGEYSO
Goobjooge.com