Tartanka Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhowaaday iyadoo la filayo in tartanka uu noqod mid la mida tartankii hore ee sanadka 2012.
Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ah mid si heshiis aan qorneyn loogu qoondeeyay inay yeelato beesha Digil iyo Mirifle oo ka mida beelaha waaweyn ee afarta ah, waxaana mar waliba xilkaasi lagu riixaa musharixiinta beeshaasi.
Sanadkii 2012 waxaa qorshe la yimid Guddoomiyihii Baarlamaanka ee xilligaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan oo olole u galay in Beesha Daarood uu ku taageero in loo doorto xilkan si ay fursad ugu hesho beeshiisa inay madaxweyne ama ra’iisal wasaare ku soo baxdo, wuxuuna soo sharxay Cali Khaliif Galeyr.
Qorshahaasi waxaa u midoobay si beelaha Hawiye iyo Daarood oo codkooda siiyay Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo ku soo baxay guddoomiyaha Baarlamaanka 9aad ee Soomaaliya, taasoo dhabarjab ku rida qorshihii Shariif Xasan.
Shariif Xasan ayaan weli ka quusan qorshihii uu ku doonayay in Digil & Mirifle ay ku guuleystaan xilalka madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha, waxaana uu hadda taageerayaa musharax ka soo jeeda beesha Ogaadeen oo lagu magacaabo C/rashiid Maxamed Xiddig.
Dad badan ayaa aaminsan in Shariif Xasan uu mar kale ku fashilmi doono qorshihiisa hore u dhicisoobay, waxaase muuqata inuu madax xanuun ku noqday musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo ku wareeray qancintiisa ama heshiis ay la galaan.
Iyadoo Doorashada Guddoomiyaha ay ka soo horeysa tan madaxweynaha ayaa waxaa soo baxaya inuu musharaxa ugu tunka weyn uu yahay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Jawaari oo la saadaalinayo inuu si sahal ah ugu guuleysan doono in dib loo doorto, Shariifkuna halkaasi ku qasbanaan doono inuu Baydhaba ka arrimiyo.
Goobjooge.com