Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ka mida aqoonyahanadda Soomaalida, horena uga tirsanaa Guddiga Bankiga Dhexe ayaa sheegay in mas’uulka loo magacaabay guddoomiyaha Bankiga Dhexe aanu ku imaan qaab tartan iyo xulitaan midna, balse uu ka mid ahaa Guddigii Imtixaanka qaadayey.
“Cabdiraxmaan Maxamed C/llaagu cidna imtixaan lama gelin, isaga ayaa ka mid ahaa Guddigii Imtixaan qaadayay ee soo xulay Ninkii Ajnabiga ahaa, isagoo ka wakiil ahaa Dowlada, kana socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, xulistiisa kuma imaan imtixaan waxey ku timid Magacaabid..” ayuu yiri Prof. Yaxye Sheekh Caamir.
Isagoo ka hadlayey taariikhda shaqo iyo waaya-aragnimo ee guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe Wuxuu sheegay inuusan weligiis kasoo shaqeyn Bangi /Dhexe mid Somali & mid kaleba, basle uu kasoo shaqeeyyay xafiisyo wadamada kala duwan ay ku laheyd Hay’ada Qaxootiga Norway “NRC” dalka Norway oo ah Dalka uu dhalshada ka heysto Mudane Cabdirahmaan.
TAARIIKH NOLOLEEDKIISA HOOS KA AKHRISO
