Monday, July 14, 2025

Puntland degaanadooda ka mamnuucday Idaacadda VOA, iyo wasiir Soocade oo shaaciyay inay Maxkamad saarayaan

Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in  idaacada VOA-da qeybteeda ku hadashada Afka Soomaaliga laga dhageysto degaanada Puntland. Warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiirka warfaafinta Puntland ayaaa lagu joojiyay VOA-da.

Sababta ay Puntland u joojisay idaacadda VOA-da ayaa la sheegay inay tahay qaabka Idaacaddu u baahisay is-casilaadii guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire. Qoraalka ay qortay is casilaada gudoomiyaha ayaa waxaa kamid ahaa” in gudoomiyaha is Casilaadiisa ka dambaysay kadib markii Xildhibaano ku eedeeyeen xukuumada Gaas habacsanan iyo mar dastuurka Puntland ah, waxana dad badan ay aaminsan yihiin in Mooshinka lagu abaabulay Gudoomiyaha ay salka ku hayso arrintaas”.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in Deegaanada Puntland ay ka mamnuceen idaacada VOA-da qaybteeda ku hadashada Afka Soomaaliga. isla markaana ay ka dulboodeen sharciga warbaahinta Puntland oo siduu sheegay la dhaqan galiyey.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray in VOA-da ay la tiigsan doonaan heer maxkamadeed siduu sheegay dhamaan idaacadaha gudaha ku amreen inaysan baahin karin. Waxaa uu tilmaamay Soocade in VOA-da baryana dambe ay gaysatay arimo aan ku haboonayn warbaahinta kuwaas oo ah dhibaato ugaysanaya Puntland sidaa owgeedna ay ku mamnuuceen.

DHAGEYSO WAREYSIGA WASIIRKA

HOOS KA AKHRI WAREEGTADA

wareegto

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON