Golaha wasiirada Puntland ayaa shirkoodii maanta ee caadiga ahaa oo uu shir guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Camey waxay uga hadleen arrimo taabanaya xiriirka kala dhaxeeya dowladda Federaalka sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay shirkaasi.
Puntland ayaa caddeysay inaysan waxba ka quseynin guddiyada Dowladda federaalka ku dhawaaqdey dhowaan, waxayna ku sheegeen inay gudiyadaasi yihiin sharci darro aan waafaqsaneyn Dastuurka Soomaaliyaa. Golaha wasiirada Puntland waxay warsaxaafadeedkooda ku sheegeen inaysan Puntland la shaqeyn doonin guddiyadaasi, isla markaana aysan tegi karin degaanada Puntland.
