Friday, June 27, 2025

Puntland iyo Jubbaland oo taageeray Musharaxiinta Saciid Dani & Cali Xaaji Warsame

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa isla gaaray inay taageeraan Murashaxiinta

kala ah Saciid C/llaahi Dani iyo Cali Xaaji Warsame oo labada ka soo jeeda deegaannada Puntland, kaddib kulamo is daba joog ah oo beelahan ay ku yeesheen Garowe iyo Muqdisho.

Kulan ka dhacay hotelka Paradise ee magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen xildhibaannada ka soo jeeda deegannadaasi, oo ay joogeyn Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa fashil ku dhamaaday, kaddib markii ay xildhibaannadu muujiyeen in Cumar Cabdirashiid laga soo sharraxay deegaannada Koofur Galbeed, sidaa darteedna loo baahan yahay musharaxiin xambaarsan fikirka dadka reer Puntland. 

Kulankii ka dhacay Hotel Paradise ayaa Madaxweyne Gaas uu ka gaabsaday in Xildhibaanada laga soo doortay Puntland uu ku adkeeyo taageerida Cumar C/rashiid, taa bedelkeed wuxuu carabka ku dhajiyay inay taageeraan meesha danta Puntland ku jirto.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heleyso Jowhar.com ayaa xaqiijinaya in odayaasha iyo xildhibaannadu isku raaceen  in Cali Xaaji Warsame iyo Saciid Dani ay noqdaan murashaxiinta matala Puntland iyo Jubbaland.

Kulan qado ahaa oo uu shalay u sameeyay Xildhibaanada labada Aqal ee Jubbaland ayuu kaga dalbaday inay taageeradooda siiyaan, balse Xildhibaanada ayaa si cad ugu sheegay in aanay taageereyn.

Is fahanka ka dhaxeeya Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la aaminsan yahay inuu saameyn ku yeeshay go’aanka xildhibaannada laga soo doortay Jubbaland.

Saciid Dani iyo Cali Xaaji Warsame ayaa saameyn xooggan ku dhex leh xildhibaannada labada Aqal ee Puntland iyo Jubaland, waana shakhsiyaad siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo sumcad ahaanba ku wanaagsan marka laga hadlayo bulshada deegaanada Puntland iyo Jubaland.

Horraantii bishan ayey ahayd markii kulan ka dhacay Garowe oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweyne Gaas oo ujeeddadiisu ahayd in la taageero Cumar Cabdirashiid, uu gaashaanka u daruuray C/raxmaan Faroole isla markaana ay ku kala qeybsameen beelaha Puntland.

Cumar C/rashiid ayaa olole xooggan ka wada magaalada Muqdisho iyo dalalka deriska oo safaro is-daba joog ku tagay, waxaa loo arkayay inuu ahaa xulashada koowaad ee Puntland, hase ahaatee waxaa soo baxday in labo musharax oo kale laga door biday.

Xildhibaanada labada aqal laga soo doortay maamul goboleedyada ayaa badankood isugu xiran kudlad, waxaana ay iska dhex doorteen Guddiyo u gala ololaha doorashada Musharaxiinta oo ay aadayaan hadba meelaha ay taageerada badan ama lacagta ugu badan jiro.

Ololaha xooggan ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa todobaadkan laga dareemay, markii Musharaxiinta qaar ay bilaabeen kulamo iyo xod xodasho ku aadan xildhibaanada, waxaana Musharax walba uu doonayaa inuu awoodiisa xoojiyo, ka hor inta aan la gaarin Tartanka doorashada Madaxweynaha

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON